Dad ku dhintay Roobab Xoogan Oo ka da'ay Soomaaliya [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen roobab xooggan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafayay si xiriir ah uga da'ayay magaalada Muqdisho.

Dadkan oo caruur u badnaa ayaa ku dhintay degmooyinka Wadajir, Hodon iyo Xamar-weyne ee gobolka Banaadir kadib markii biyo fatahaad ah oo Roobabka ka dhashay ay qaadeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida dadkan, waxaana ay intaasi ku dartay in la lasoo daad-gureeyay kumanaan qoys oo u badan dadka barakaciyaasha ah ee ku noolaa kaamamka magaalada gudaheeda ku yaalla.

 - Puntland -

Fatahaad ka dhashay roobabka dalka ka da'aya ayaa la tagay dad iyo xoolo badan deegaano ku yaalla gobolka Bari, waxaana ku dhintay 5 qof, sida ay mas'uuliyiinta gobolku ay xaqiijiyeen.

Gudoomiyaha magaalada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir ayaa sheegay in qoysas gaaraya 200 ay ka barakaceen Kaamka Tawakal oo ku yaalla galbeedka magaalada kadib markii badda ay kusoo fatahday.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la saadaalinayay in xeebaha Puntland ay kusoo wajahan yihiin roobab xooggan oo dabeylo wata iyoo duufaanta Cyclone, taasi oo ku wajahan dalal ay Soomaaliya iyo Jabuuti kamid yihiin.

 - Somaliland -

Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in dad gaaraya 15 qof ay ku dhinteen roobab mahiigaan ah, oo ka da'ay degmooyinka Lughaye iyo Baki oo katirsan gobolka Awdal.

Kumanaan kale ayaa ku barakacay fatahaadda ku dhufatay deegaanada gobolkaasi kuwaasi oo dalabanaya in lasoo gaarsiiso gurmad bini'aadanimo oo deg deg ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA ROOBKA MUQDISHO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM