​Dad lagu laayay gobolka Shabeellaha hoose

Image

MARKA, Somalia- Ilaa lix qof oo rayid ah ayaa la dilay, dhawr ruux oo kalena waa la afduubtay kadib markii mallayshiyo hubaysan xalay soo gaareen deegaanka Buulo Xaashi oo ilaa 2KM ujirta deegaanka Numebr 50 ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka dilkaasi loo gaystay ayaa kamid ahaa shacabka deegaanka weerarku ka dhacay.

Mallayshiyada falkaasi gaysatay ayaa goobta isaga baxday iyagoo horay usii kaxaystay dad kale oo ilaa hadda la aqoon halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dhacdadan, ayaa dadka deegaanku sheegayaan inay la xiriirto aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagnaa gobolka.

Goob jooge la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ku waramay in kooxda weerarka soo qaaday ay goobta isaga baxeen, balse ma aysan sheegin tiradooda iyo halka ay ka yimaadeen.

"Dhacadadan, waxay ka dhacay deegaanka Buulo Xaashi oo ilaa 2KM u jira Number 50, waxaana lagu dilay 6 ruux, kooxdii dadkaasi laysay goobta way isaga baxeen... Arrintan waxay la xiriirtaa aano qabiil oo ka bilaabatay magaalada Marka, waxayna ku fiday deegaano katirsan gobolka Shabeellaha hoose,"Ayuu yiri goob jooge la hadlayay warbahinta gudaha oo magaciisa qariyay.

Majirto cid ka hadashay dhacadadan, balse goob joogayaal ayaa kusoo waramaya inay dhacdooyinkan kusoo noq noqdeen gobolka islamarkaana maalinba maalinta ka dambaysa kadii darayaan iyadoo xukuumadda Soomaliya wax tallaabo ah ka qaadin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM