Dad loosoo xiray dhalinyaro lagu dilay magaalada Muqdisho

Image
Eedeysaneyaasha ayaa cod dheer waxaa lagu dalbadey in ay wajahaan cadaaladda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigaan eedaysenayaashii habeenimadii Khamiista rasaasta ku dilay labada marxuum walaalo ahaa.

Marxuumiinta oo qoyskooda dalbanayo cadaalad ayaa kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen, kuwaasoo Isgoyska Dabka lagu dilay iyagoo Bajaaj saaran.

Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, sida uu boolisku sheegay.

"Soo qabashadda raggan ayaa timid kadib markii ehelada labada marxuum ay sheegeen in meydadka aan la aasi doonin illaa cadaaladda laga soo taagaya kuwii dilay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Booliska.

Dhanka kale, Rasaas la sheegay in ay fureen cutubyo kamid ah ciidamadda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ku nafwaayey Mahad C/raxmaan Maxamuud, oo ah wiil dhalinyaro ah.

Falkan oo sidoo kale xoojiyey carro xooggan oo ka dhalatay toogashadda labada walaalaha ah ayaa waxaa laga soo wariyey nawaaxiga isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Siyaasiyiin mucaarad ah iyo dadwayne dilalkan uga falceliyey baraha bulshadda waxay dalbadeen in cadaaladda ay wajahayaan dadkii ka dambeeyay falalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM