​Dad shacab ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya- Weerar  uu fuliyo ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa galabta goor gaaban ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana lagu dilay dad shacab ah, halka bur-bur xooggan uu soo gaaray goobo ganacsi.

Qaraxan oo ka dhacay maqaayad aan ka fogayn xarunta shirkadda Dahabshiir oo ku taalla nawaaxiga Afar Irdoodka magaalada Baydhabo, ayaa wararku sheegayaan in lagu dilay 3 qof halka dhaawacu gaarayo 2 ruux sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta amniga maamulkaas.

“Qaraxan waxaa uu ka dhacay goob maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo kutaala bartamaha magaalada,waxaana ku shaahayay Dad shacab ah,waxaa ku dhimatay 3 qof 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen,” Ayuu yiri  wasiirka Amniga maaamulka koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed.

Warar kale oo madax bannaan oo Warsidaha Garowe Online ka helayo dad goob joogayaal ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen 2 ruux oo uu ku jiro nin lagu magacabo Ibrahim Macruuf oo kamid ahaa shakhsiyaadka ka shaqeeya arrimaha Samafalka sidoo kalena aad looga yaqaanay gobolka.

Dadka ayaa intaas ku daraya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen ilaa 6 ruux oo kamid ahaa dadkii fadhiyay meherada iyo kuwo ka agdhawaa.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo kusoo beegamaya xilli amniga magaalada Baydhabo muddooyinkii dambe uu aad u wanaagsanaa.

Maaha markii ugu horaysay weerar noocaan ah uu ka dhacay nawaaxiga xarunta Dahabshiil, balse September, 2015 Qaraxyo ka dhacay goobtaasi waxaa ku dhintay in kabadan 30 qof.

Xaaladda magaalada ayaa iminka degan, waxaana socda baaritaano lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaa hadda la aqoonsan cida fulisay weerarkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Xasan Sheekh ma oran kara waxaan sii joogayaa illaa 2027

Digniintan ayaa imaneysa xilli ay guul la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadallo dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 09:40AM

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM