Dad Somali ah oo ku dhintey duqeymaha ka dhacaya dalka Yamen

Image

YAMEN 28 April, 2015 (GO)- Wararka ka imaanaya wadanka Yamen ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Somalida qaxootiga ah ku dhinteen duqeymaha diyaardaha Sucuudiga u gaysanayaan dalkaas.

Qaxootiga Somalida oo markii hore ka cararey dagaalada Cadan ayaa wararku sheegayaan in maalintii Axada 26 April,2015 dib ugu soo noqonayeen magaaladaas markii ay haleeleen duqeymaha diyaaradaha Sucuudiga.

Dadka ku dhintey duqeyntaan oo tiradooda gaareyso 30 qof ayaa waxay u badnaayeen  Dumar, Caruur kuwasoo lagu aasey magaalada Cadan.

Dowlada Somalia ayaan talaabo la taaban karin ka qaadin sidey u caawini laheyd dadkaas qaxootiga ah ee ku dhibaataysan wadanka Yamen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM