Dagaal culus oo ka dhacay Beledweyne [Fah-faahin]

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dagaalka qaraar ayaa ka dhacay magaalada Belad-wayn ee xarunta gobolka Hiiraan, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guutada 5aad, ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Korneyl Faarax Cali Waasuge.

Taliye Waasuge ayaa ka dhawaajiyay in dagaalka uu ka dambeeyay markii cutubyo ka tirsan ciidanka xooga oo ka guurayey Saldhig, kuna sii jeedo xero kale ay jidka u galeen dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.

Iska hor imaad kooban oo leysku adeegsaday qoryaha fudud ayaa halkaas ka dhacay, iyadoo Taliyaha uu ku tilmaamay Ragga weerarka kusoo qaadeen ay ahaayeen tiro yar oo la iska-caabiyay.

"Ragii argigixisadda ahaa ayaa Jidka noo galay, anagoo geedo ah. Dagaal kooban ayaa halkaas ka dhacay, waxaana ka dilnay hal kamid ah, labo kelana way ka dhaawacmeen kooxdii nagu soo duushay," ayuu yiri Waasuge.

Taliyaha ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in dhankooda khasaaraha soo gaaray uu yahay mid kooban, islamarkaana uu ka dhaawacmay hal Askari, kaasi oo dhaawaciisu yahay mid sahlan.

Al-Shabaab wali wax war ah kama aysan oo saarin weerarka, oo imaanaya maalmo uun kadib markii ay dib isaga baxeen deegaanka Moqokori oo ay dagaal ku qabsadeen, halkaasoo ay ciidamada dowlada mar kale dib ula wareegeen.

Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa hadda ah mid xasiloon, inkastoo ciidamada dowladda lasoo warinayo inay bilaabeen Howlgalo ay ku raadinayaa Ragii weerarka Jidgalka ah kusoo qaaday.

Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida joogtada ah ay weerarada uga fuliso Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda mar walba ay la kulmaan duulaano gaadmo ah, oo dhimasho iyo dhaawac sababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM