​Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Tiyeeglow, gobolka Bakool

Image

TIYEEGLOW, Somalia- Dagaal culus, oo u dhexaayay ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kooxda Al Shabaab ayaa maanta oo Sabti ahayd ka dhacay Degmada Tiyeeglow, ee gobolka Bakool.

Mas'uul katirsan maamulka degmadaasi, ayaa u GO u xaqiijiyay iska hor imaadkaa labada dhinac iyagoo sheegay in uu ka danbeeyay markii weerar Al shabaab ku qaadeen saldhig ciidanka dowladdu halkaasi kulahaayeen.

Al Shabaab ayaa guul ka sheegatay Weerarka, sida lagu baahiyaya Idaacadda afka Xarakadaas ku hadasha oo soo xiganaysay Horjooge aan magaciisa iyo darajadiisa la sheegin.

Waxay sheegatay sidoo kale dilka  ugu yaraan 4 askari oo uu ku jiro Sarkaal, inkastoo warkaasi aan si madaxbanaan loo xaqiijin.

Qaar kamid ah dadka deegaanka, oo la hadlay Warsidaha GO, ayaa xaqiijiyay dagaal culus oo labdaa dhinac maanta dhexmaray, kaasi oo geestay khasoorooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Majirto ilaa hadda war rasmi ah oo dhinaca dowladda Somalia kasoo baxay.

Degmada Tiyeeglow, ayaa waxay kamid tahay shanta degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Bakool, ee koonfur galbeed Somalia, kuwaasi oo laga xureeyay Kooxda Al shabaab sanadkii 2014 bartamahiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Sheegay In Uusan Wadahadallo Kula Jirin Somaliland Si Loo Aqoonsado

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan mar kale muujiyay xiisaha uu u qabo arrimaha amniga ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:02PM

Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 01:02PM