Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dagaal xooggan oo ka dhashay khasaaro lixaad leh ayaa waxa uu ka dhacay maanta duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolkla Jubbada hoose.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ka qarxay shalay gelinkii dambe deegaanka Baar-Sanguuni, oo qiyaastii 50KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Sarkaal katirsan ciidamada Jubbaland, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in Lix Askari looga dilay dagaalka, iyguna ay Al shabaab ka dileen 9 xubnood, oo qaar kamid ah ay Saraakiil ahaayeen.

Dagaalka ayaa yimid markii Ciidamada Jubbaland weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Al shabaab-ka ku sugan Baar-Sanguuni, iyagoo taageero ka helayo Militariga Kenya, ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Al Shabaab waxay sheegtay inay iska caabisay duulaanka lagu soo qaadey, islamarkaana ay dishay in ka badan 10 Askari oo katirsanaa maamulka Jubbaland, sida ku xusan war lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Kooxdan.

Dagaalka ayaa kusoo beegmay xilli maalintii shalay uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay wehliyanayeen Wasiiro iyo Saraakiil ciidan uu booqday Ciidamo loo diyaariyay duulaan ka dhan ah Al shabaab oo ku sugan Buulo-Gaduud, oo 30KM dhanka Waqooyi uga beegan Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa shisheeye ee taageera ayaa in mudo ah kula dagaalamayay Al Shabaab deegaanada ku dhaw Kismaayo, iyagoo ku fashilmay inay Kooxdan ka sifeeyaan guud ahaan gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM