​Dagaal Culus oo ka socdo gobolka Mudug

Image

DUMAYE, Somalia- Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Dad Xoolo-dhaqato ah ayaa ka socdo maalintii labaad deegaanka Dumaaye, oo qiyaastii 50Km u jira degmada Xarardheere, ee koonfurta gobolka Mudug. 

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu billowday markii Al Shabaab ay shalay la wareegtay deegaanka, oo shacabka ku nool ka gadoodsanaayeen amaro lagu soo rogay oo la xiriira bixinta Xoolo ay ugu yeereen Zako. 

Malleeshiyo deegaanka laga abaabulay ayaa saakay dib u weeraray Deegaanka Dumaaye, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka fudud iyo mid culus oo khasaarooyin geestay.

Inta la xaiijiyay 12 qof ayaa ku dhimatay Dagaalka ka socdo maalintii labaad Koonfurta Mudug. 

Dhanka kale, maamulka Galmudug oo wado abaabul ciidan, kawada magaalooyinka Galkacyo, Cadaado iyo Hobyo si  ay ugu Gurmado Shacabka la dagaalamaya Al-shabaab. 

Al Shabaab kama aysan hadlin dagaalka Dumaaye. Kooxda Al shabaab ayaa inta badan si khasab ah uga qaado Shacabka Xoolo ay ku sheegeen inay Zako yihiin, waxaana ay kala kulmaan Dadka Xoolo-dhaqatada ah Iska-caabin iyo Dagaallo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM