Dagaal ka dhacay Deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Image

LAANTA BUURO, Somalia - Dagaal culus oo u dhaxeeya Al shabaab iyo Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, ayaa ka dhacay deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, ee Koonfurta Somalia. 

Dadka deegaanka ayaa GO u sheegay in dagaalka xooggiisa uuka dhacay Deegaanada Laanta Buuro iyo Lambar-konton, halkaasi oo Al-Shabaab ay xalay ku weerareen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada DFS. 

Gudoomiyaha deegaanka Lambar-Konton Cabdullaahi Waafowoo la hadlay Warbaahinta Muqdishu, ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay gubeen 14 Tuulo, islamarkaana ay Afduubteen in 40 qof oo shacab ah. 

"Al shabaab waxay kusoo duuleen shacabka degann inta u dhaxaysa Shalanbood illaa Laanta Buuro, waxay dab-qabadsiiyeen 14 Tuulo, iyagoo sidoo kale afduubay 40 ooOdayaal, Caruur iyo Haween isagu jiro," ayuu yiri Waafow. 

Waafow ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiinta dowladda Somalia iyokuwa maamulka Koonfur Galbeed in ay ka gaabiyeen difaacidadadka kunool degaanada Gobolka Shabeellaha hoose, oo mudosanado ah dhibaato kala kulmayaan Al shabaab. 

Xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay xalay, ayaa Saakakacsan, waxaana lagu soo waramayaa in uu socdo dagaal goos-goos ah, oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo MalleeshiyadaKooxda Al shabaab. 

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro kala duwan ku qaadaSaldhigyadda Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay kuleeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM