Dhimasho ka dhalatay ciidamo ku dagaalamay Wanlaweyn

Image

WANLAWEYN, Koonfur Galbeed – Inta la xaqiijiyey todoba uu ku jiro sarkaal boolis ayaa ku nafweyday, laba shacab ahna way ku dhaawacmeen dagaal Khamiista maanta ah ka qarxey degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Isku-dhaca ayaa u dhaxeeya ciidamadda booliska gaar ahaan kuwa ilaaladda waddooyinka [taraafikada] iyo cutubyo Daraawiish ah kuwaasoo la sheegay in dhowaan tababar uu u soo xiray maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidda ay wararku sheegayaan, dagaalka ayaa qarxay ka gedaal markii ciidamadda Taraafikada ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen rayid iyo askar. Xabadaas waxay sababeen geerida sadex askari Daraawiish ah iyo dhaawaca laba shacab.

Lama ogga sababta keentay in ciidanka Taraafikada ay rasaaseeyaan gaariga. Balse warbixinadu waxay qeexayaan in uu ka horeeyay muran ka dhashay lacag.

Cutubyo kale oo ka tirsan Daraawiisha kuna heeb ah askarta dhimatay ayaa lagu waramay in ay kadib weerareen fariisinka ciidamadda Daraawiishta halkaasoo uu ka qarxay iska-horimaad bilowday abaare saddexdii aroornimo ee maanta.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in is-rasaaseyntaas ay ku nafwaayeen afar askari oo kamid ahaa Ciidanka Taraafikada kuna jiro Taliyahooda oo magaciisa lagu soo koobay Nuur iyo askari kale oo isna magaciisa lagu gaabiyey Cabdullaahi.

Warsidaha Garowe Online oo xiriiro la sameeyay maamulka degmadda Wanlaweyn ayay u suurtageli weyday in uu ku haleelo khadka telefoonka.

"Labada ciidanba qaab beel ayay u abaabulan yihiin Dagaalka wuxuu hadda ka socdaa isgoyska [muuri] iyo wadada magaalada loo baxo ee aada dhanka Muqdisho," ayuu yiri Maxamed Deeq Ibraahim, goobjooge u waramay GO.

Dagaal beeleedyadda iyo isku-dhacyadda dhexmara ciidamadda dowladda dhexdooda ah ayaa kusoo laab-laabtey degmadda Wanlaweyn taasoo 90 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga aadan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM