Dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabaab ayaasaddex Jiho ka weerarey saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya gaara ahaan kuwa NISA ku leeyihiin deegaanka Siinka Dheer, ee duleedka Muqdisho, xalay oo Axad ahayd.

Dagaal wax ka badan saacad socday ayaa halkaas ku dhex-maray labadda dhinac, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Saraakiisha amaanka ee dowladda Soomaaliya ee ku sugan meesha uu dagaalka ka dhacey, oo xaqiijiyay weerarka ayaa tibaaxeen inay iska difaaceen Shabaabka duulaanka kusoo qaaday.

Xiliga uu dhacayey weerarka ayaa waxaa goobta ku sugnaa Gaari Rakaab ah, kuwaasoo ay ciidamada Baaritaano ku sameynayeen, laakiinse lama oga hadii Shacab uu wax ku noqdo dagaalka.

Dadka deegaanka Aaga dagaalka laga soo wariyay oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya inay maqleen daryenka rasaas culus oo ay labadda dhinac ay is-dhaaf-sanayeen.

Al-Shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin weerarkaan ay ku ekeeyeen Fariisinkaan ay ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya ku leeyihiin Siinka Dheer, oo ku yaalla wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Deegaanka Siinka Dheer, gaara ahaan Fariisinka la weeraray ayaa ah mid ay ciidanka NISA ku baaraan Baabuurta soo gasha Magaalada Muqdisho ee ka timaada Gobolada, Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo amaanka Koontaroolkaan uu ahaa maalmihii u dambeeyay mid si wayn loo adkeeyay, islamarkaana Ciidamada ku sugan la geliyay feejignaan sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM