Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Galgaduud

Image

03 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanay gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu saka halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya AMISOM iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel qooxle oo 25 Kiilo mitir dhanka waqooyi ka xiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana jira qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War ka soo baxay ciidamada Somalia ayaa lagu sheegay inay dagaalkaasi ku dileen ilaa shan askari oo ka tirsan Al-shabaab isla markaan la wareegey deegaanka dagaalku ka dhacay iyo goobo kale oo ka tirsan degmada Ceel qooxle.

Dhanka Al-shabaab kama aysan hadlin dagaalkaasi balse xaalada ayaa haatan daggan waxaana lagu soo waramayaa inay socdaan hawlgalka ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ay ku doonayaan inay ku qabsadaan goobaha gacanta weli ugu jira ururka Al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM