Dagaal ka dhacay gobolka Baay iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

DIINSOOR, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka, oo ay wehliyaan kuwa Koonfur Galbeed oo Howlgal si wadajir ah uga fulinaya duleedka Magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa la kulmay weerar gaadmo ah oo Shabaab uga yimid.

Weerarkaan ayaa waxaa ka dhashay iska hor-imaad kooban, kaasoo ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, kaasoo inta badan soo gaarey Al-Shabaab, sida ay sheegteen masuuliyiinta gobolka.

Mas'uul ka tirsan gobolka oo diiday in la adeegsado magaciisa sababo ku aadan inaan loo ogoleen inuu warbaahinta u waramo ayaa Garowe Online u sheegay inay ku dileen dagaalka saddex Al-Shabaab kamid ah, kuwa kalena ay ku dhaawaceen.

Wuxuu daboolka ka qaaday in wax khasaaro ah uusan dhankooda kasoo gaarin Iska horimaadka, xilli wararka madaxa banaan ay xaqiijinayaan inay jiraan khasaaro dhanka ciidanka dowlada soo gaarey.

Al-Shabaab wali wax war ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Misir, ee duleedka magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, oo maamul ahaan hoos timaada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Diinsoor, oo qiyaastii 400-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho ayaa waxay kamid tahay degmooyinka ay go'doomisay Al-Shabaab, iyadoo go'doominta ka dhalatay sicir barar iyo dhibaatooyin kale oo dhanka nolosha ah.

Dagaalka maanta wuxuu kusoo aadayaa iyadoo maalmihii u dambeeyay Koonfur Galbeed ay waday dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, oo hadda ku xoog badan dhulka baadiyaha ah iyo tuulooyinka yar-yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM