Dagaal ka dhacay Shabeellaha hoose

Image

Mallayshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab ayaa jidka u galay cutubyo katirsan ciidamada Ethopia ee qaybta ka  ah AMISOM, kuwaasi oo marayay gobolka Shabeellah hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Balli doogle iyo Leego.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac aan lacaddayn.

Balse, qoraal ururka Shabaab soo dhigeen barahooda taageera ee Internetka ayaa lagu muujiyay in weerarkaasi lagu gubay afar gaadiidka dagaalka ah oo ciidamdaasi.

Dhinaca AMISOM ilaa hadda kama hadlin weerarka, laakin dadka deegaanka ayaa cadeeyay in la isweydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana waxay tilmaameen inay jiraan dhimasho iyo dhaawac labada dhanba ah.

Ciidamada la weeraray ayaa kayimi dhinaca Balli doogle.

Weerarkan ayaa yimi xilli ururka Al-Shabaab dagaallo kala duwan ka gaysanayaan gobolka Shabeellaha hoose oo ay kusuganyihiin ciidamo xooggan oo katirsan Somalia iyo Midowga Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM