Dagaal ka dhacay Shabeellaha hoose iyo Askari lagu dilay Muqdishu

Image

MARKA, Somalia- Dagaal sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeya Al shabaab iyo AMISOM ayaa saaka ka dhacay deegaanka Lambar-konton, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacaas uu daba socday mid xalay labada dhinac ku dhexmaray Xerada Al Yaasir, oo ay degan yihiin Askarta Burundi ee qeybta ka ah AMISOM.

Ururka Al Shabaab ayaa saldhigaas weerar kusoo qaaday Xalay.

Inta la xaqiijiyay Lix qof oo labada dhinac ah ayaa lagu dilay dagaalka 24-kii saac ee lasoo dhaafayay ka soconayay deegaanka NO:50, iyo Tuulooyinka ku dhaw. Shabaab ayaa ku xooggan deegaanadaas.

AMISOM iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka wali kama aysan hadlin dagaalka labada dhinac.

Dhanka kale, Kooxo hubaysan ayaa Askar katirsanaa ciidamada Booliiska dowladda Somalia saaka ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida uu Goobjooge u sheegay Warsidaha Garowe Online.

Askarigaan oo ka tirsanaa Ciidamada Asluubta dowladda Federaalka, ayaa lagu toogtey Xaafadda Xaawo Taako, waxaana dilka fuliyay labo nin oo ku hubaysan bastoolado kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka Askariga, balse dilalka nuucan ah waxaa Muqdishu inta badan ka geysata Kooxda Al shabaab, oo galgal ugu jirta sidii ay xukunka ugu ridi lahayd dowladda Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM