Dagaal ka dhacay Shabeellaha hoose iyo sarkaal la dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Dagaal Culus oo u dhaxeeya ciidanka AMISOM iyo Malleeshiyaad katirsan Al shabaab ayaa saaka ka dhacay inta u dhaxayso Shalanbood iyo Buulo Mareer, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka Garowe Online uu ka helayo gobolka, ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid markii Al shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah, oo ay wateen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Weerarka ayaa ku billowday qarax miino oo wadada qarkeeda lagu aasay, kaasi oo lala eegtay Baabuurta Kolonyada ah ee la socdeen ciidanka AMISOM. Al shabaab ay sheegtay inay 1 gaari ay ku gubtay qaraxa.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay iska-caabiyeen weerarka, iyagoo beeniyay in Gaari nooca gaashaaman looga gubay weerarka Jidgalka ah ee Al shabaab ay Kolonyadooda ku qaadeen.

Dhanka kale, Sarkaal katirsanaa ciidanka booliska Somalia ayaa Xalay lagu dilay magaalda Muqdishu, gaar ahaan degmada Waaberi.

Goobjoogiyaasha ayaa sheegay in Sarkaalka oo magaciisa lagu soo koobay Col Ismaaciil ay dileen labo qof oo Bastoolado watay, kuwaasi oo goobta dilka ka baxday kahor inta aysan ciidanka DFS soo gaarin.

Mas'uuliyadda Dilka Sarkaal ayaa waxaa sheegtay Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM