Dagaal ka qarxay Cadaado iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

CADAADO, Soomaaliya - Wararka aynu ka halayno magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay Madaxtooyadda Galmudug, xilli mudooyinkii dambe uu jiray khilaaf madaxda maamulkan u dhaxeeyay.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa ciidamo kawada tirsan maamulka Galmudug, balse kala taageersan labadda garab ee khilaafka uu u dhaxeeyo, kuwaasi oo garab kamid ah  hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka ay ku sugan yihiin Cadaado.
 
Iska horimaadka oo leysku adeegsanayo hubka daran-dooriga u dhaca ayaa waxaa uu yahay mid yimid markii ciidamo daacad u ah Madaxweyne ku xigeenka iyo Afayeenka Baarlamaanka Galmudug loo diiday inay galaan gudaha Madaxtooyadda.

Gudaha Madaxtooyadda waxaa ku jira mas'uuliyiin u badan Wasiiro maamulka Galmudug ka tirsan, Xilldhibaano iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, kuwaasoo Daacad u ah Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle [Xaaf].

Rasaasta dhaceysa oo xoogan darteed, Shacabka ayaa waxay sheegayaan inay lasoo dareystay baqdin xoog leh, waxaana dagaalka uu yahay mid sii xoogeysanaya saacadba mida kasii dambeysay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Laakiin, mas'uuliyiinta qaar ee ku jira gudaha Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado oo u waramay Warsidaha Garowe Online, waxay diideen inay faah-faahiyaan dagaalka.

Colaaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafka ka dhashay awood qeybsiga Galmudug uu cirka isku sii shareeyay, iyadoo dowladda Federaalkana lagu eedeeyay inay ku fashilantay dhexdhexaadinta madaxda maamulkan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM