​Dagaal ka socda duleedka Baladweyne

Image

Dagaal xoogan ayaa socda duleedka magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan gaar ahaan halka lagu magacaabo Qaran Cad oo qiyaastii 15KM dhinaca Waqooyi ka xigta caasumadda gobolkaasi.

Isku dhacan ayaa u dhaxeeya labo beelood oo gobolka wada daga, waxaaana la sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyay khilaaf xooggan ka dhextaagnaa iyagoo isku haya deegaan.

Khasaaro kala duwan oo dhimasha iyo dhaawac isugu jira ayaa dagaalkaasi ka dhashay, waxaana wararku sheegayaan in dagaalku socdo balse ay jiraan dadaallo lagu joojinayo.

Goob jooge la hadlay GO, ayaa xusay in la maqlayo rasaas xooggan deegaanka Qaran Cad, waxuuna intaasi ku daray in shacabka qaybtiis barakaceen iyagoo ka cabsi qaba dagaalka inuu saamayn ku yeesho.

Dhawaan ayay ahayd markii beelo wada daga magalada Baladweyne dhexmaray dagaalo khasaaro xooggan gaystay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM