​Dagaal ka socda duleedka Baladweyne

Image

Dagaal xoogan ayaa socda duleedka magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan gaar ahaan halka lagu magacaabo Qaran Cad oo qiyaastii 15KM dhinaca Waqooyi ka xigta caasumadda gobolkaasi.

Isku dhacan ayaa u dhaxeeya labo beelood oo gobolka wada daga, waxaaana la sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyay khilaaf xooggan ka dhextaagnaa iyagoo isku haya deegaan.

Khasaaro kala duwan oo dhimasha iyo dhaawac isugu jira ayaa dagaalkaasi ka dhashay, waxaana wararku sheegayaan in dagaalku socdo balse ay jiraan dadaallo lagu joojinayo.

Goob jooge la hadlay GO, ayaa xusay in la maqlayo rasaas xooggan deegaanka Qaran Cad, waxuuna intaasi ku daray in shacabka qaybtiis barakaceen iyagoo ka cabsi qaba dagaalka inuu saamayn ku yeesho.

Dhawaan ayay ahayd markii beelo wada daga magalada Baladweyne dhexmaray dagaalo khasaaro xooggan gaystay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM