Dagaal ka socda Makhaayad ku taal xeebta Liido

Image

MUQDISHU- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax ka dhacey makhaayad ku taal xeebta Lido oo la yiraahdo Lido SEA FOOD kaasoo loo adeegsadey gaari waxyaalaha qarxa sidey.

Qaraxaan lala beegsadey makhaayadaan kadib ayaa wararku sheegayaan in rag gaaraya 5 qof oo ku hubeysa qoryaha fudud iyo bambooyinka gacanta dhinaca xeebta kasoo galeen kadibna bilaabeen in rasaas ku furaan dadweynaha halkaas ku sugnaa.

Makhayadaan ku yaala xeebta Lido ayaa waxaa booqda siyaasiyiin, saraakisha dowlada iyo qurbo joogta.

Waxaa qaraxaan ku dhaawacmey sida wararka soo gaaraya Garowe Online sheegayaan wariyaha BBC-da laanta af-Somaliga u fadhiyey magaalada muqdishu Macalimuu.

Kala soco Garowe Online wararka la xiriira waraka dambe.

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM