Dagaal kasocda Shabeellaha hoose

Image

MARKO, Somalia- Dagaal culus, oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Somalia iyo Kooxda Al Shabaab ayaa goordhow ka billowday Tuulooyin ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka qarxay deegaanada Buufow iyo Kabtanlaas, oo ku dhow magaalada Dekedda leh ee Marka, xaruna u ah gobolkaas.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in dagaalku uu yimid ka dib markii ciidamada Dowladda Somalia ay weerar ku qaadeen Fariisimo Al Shabaabku ku leeyihiin Tuulooyinkan.

AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb-qaadanayaan iska hor-imaadka labada dhinac, islamarkaana ay hoobiyaal ku garaacayaan deegaanada ku dhow degmada Janaale, oo Al shabaab ay maamusho.

Illaa hadda lama oga Khasaaraha uu sababa dagaalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose.

AMISOM ayaa dhawaan sheegtay inay isku furi doonto wadada isku xirta magaalooyinka Marko iyo Baraawe, maadama inta u dhaxaysa ay gacanta ku hayaan ururka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM