Dagaal Khasaaro gaystay oo ka dhacay Galgaduud

Image

CEELBUUR, Somalia - Dagaal culus oo u dhaxeeyay labo Malleeshiyo Beeleed ayaa maanta ka dhacay deegaan ku yaalla gobolka Galgaduud, ee bartahama dalka Somalia.

Colaadda ayaa ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Labi Caano oo ku yaalla inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, kadib markii labo beelood ay ku murmeen Dul ay xoolaha daaqaan.

Wararka GO uu helayo ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 6 ruux, oo labada dhinac ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 10 kale, kuwaasi oo loo qaadey xaruumaha caafimaadka Ceelbuur.

Xaaladda ayaa hadda degan, kadib markii dagaalka uu iskiisa u istaagay duhurkii, waxaana jirta cabsi xooggan oo laga qabo inuu markale labada malleeshiyo beeleed ay halkaasi isku fara-saaraan.

Odayaal ka kala tagey Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ayaa ku howlan deminta colaad Beeleedka.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Galgaduud, ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhiiga ku daadanaya gobolka, kaasi oo kusoo aadaya xili dadka Xoolo-dhaqatada ah ay kasoo kabanayaan Abaartii ku dhufatay Somalia.

Gobolka Galgaduud ayaa inta badan ka dhaca dagaal Beeleedyada noocan ah oo salka ku haya dhul-daaqsimeedka iyo Ceelasha Biyaha laga cabo, kuwaasi oo geestay khasaarooyin badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM