​Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose

Image

KISMAAYO, Somalia - Dagaal khasaaro gaystay oo uu dhaxeeya ciidamada maamulka Jubbaland, oo kaashanayo Xoolo-dhaqato hubaysan iyo Al shabaab ayaa ka dhacay deegaanno ku dhaw magaalada Kismaayo. 

Dagaalka ayaa billowday markii Xoolo-dhaqato hubaysan iyo ciidanka Jubbaland ay weerareen deegaano ay maamulaan Al shabaab, oo ku yaalla galbeedka magaalada Kismaayo.

Wararka uu GO, ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo ka tirsan labada dhinac ee dagaallamay. 

Saraakiisha Jubbaland ay sheegay in khasaaraha xoogiisa uu gaarey Al shabaab. 

Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii Al shabaab ay Todobaadkii tagey ka qaateen Dad Xoolo dhaqato ah, oo degan galbeedka Kismaayo 1,000 Neef oo Geel ah, iyo Xoolo kale oo badan. 

Dadka Xoolo-dhaqatada oo is-abaabulay, aadna u hubaysan oo kaashanaya ciidamada Jubbaland ayaa billaabay howlgallo ay Al shabaab uga soo furanayaan Xoolahooda.

Al shabaab kama aysan hadlin Dagaalka ka dhacay galbeedka magaalada Kismaayo. 

Kooxdan ayaa lagu eedeeyay inay si qasab ah Shacabka ku nool Deegaanada ay maamusho ka qaataan Xoolo, ay ku sheegaan ZAKO, xilli ay dadka reer guuraaga ahi xoolahooda ku waayeen Abaarta kajirta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM