Dagaal maalintii labaad galay oo ka socda Caabuwaaq

Image

09 September, 2015(GO)-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxa dhintey 8 qof halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan dagaal maalintii labaad galay oo ka socda degmadaasi.

Dagaalka oo ka socda magalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud wuxuu u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca kuwaasi isku haysta maamulka gobolada dhexe.

Dagaalka ayaa shalay bilowday ka dib markii maleeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna weerar ku qaadeen Guri uu ku sugnaa wasiirka Ganacsiga maamulka Galmudug.

Dad ka agdhawaa goobaha lagu dagaalamey ayaa billaabey barakac, iyadoo odayaasha iyo waxgaradka magaaladana qorshaynayaan inay nabad ka dhex raadiyaan dhinacyada dagaalamaya.

Labada dhinac ayaa isku eedaynaya bilaabidda dagaalka ka socda Caabudwaaq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM