Dagaal qaraar oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha Hoose kaasi oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka oo ka dambeeyay kadib markii ciidamadda dowladda ay duulaan qorsheysan ku qaadeen Tuuladda Farxaane, oo 5-KM dhanka koonfur uga beegan degmada Qoryooley, kaasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka labada dhinac oo qaatey mudo saacado ah, ayaa lagu soo waramayaa in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo daryankiisa laga maqlyay degaanada ku dhaw Farxaane.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Gaashaan], oo ah Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Qoryoolay oo duulaanka hor-kacayay ayaa sheegay in ugu Hal dagaalame oo Shabab ah ay ku dileen Howlgalkaan.

Laakiin, wuxuu geeska geliyay wararka ku saabsan dhankooda uu jiro khasaaro soo gaaray, isagoo tilmaamay in xitaa aanu jirin khasaaro dad shacab ah kasoo gaaray dagaalkaan ka dhacay duleedka Qoryooley.

Degmada Qoryoolay, oo qiyaastii 120-KM dhanka waqooyiga Galbeed uga beegan Muqdisho, ayaa degaanada ku teedsan maamusho Kooxda Al-Shabaab, oo weeraro joogto ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM