Dagaal qaraar oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha Hoose kaasi oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka oo ka dambeeyay kadib markii ciidamadda dowladda ay duulaan qorsheysan ku qaadeen Tuuladda Farxaane, oo 5-KM dhanka koonfur uga beegan degmada Qoryooley, kaasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka labada dhinac oo qaatey mudo saacado ah, ayaa lagu soo waramayaa in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo daryankiisa laga maqlyay degaanada ku dhaw Farxaane.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Gaashaan], oo ah Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Qoryoolay oo duulaanka hor-kacayay ayaa sheegay in ugu Hal dagaalame oo Shabab ah ay ku dileen Howlgalkaan.

Laakiin, wuxuu geeska geliyay wararka ku saabsan dhankooda uu jiro khasaaro soo gaaray, isagoo tilmaamay in xitaa aanu jirin khasaaro dad shacab ah kasoo gaaray dagaalkaan ka dhacay duleedka Qoryooley.

Degmada Qoryoolay, oo qiyaastii 120-KM dhanka waqooyiga Galbeed uga beegan Muqdisho, ayaa degaanada ku teedsan maamusho Kooxda Al-Shabaab, oo weeraro joogto ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM