Dagaal xoogan oo ka soconaya meel 60km Kismaayo u jirta

Image

October 25, 2014 (GO)- Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabab ayaa xiligan ka socda inta u dhaxeysa tuulada Cabdalla Biroole iyo deegaanka Buula-Xaaji. 

Dagaalka ayaa bilowday labo saac kahor kadib markii markii Al-shabab soo weerartay fariisimo ciidamada huwantu ka samaysteen Biroole oo 60 km Kismayo u jirto.

Dagaalka ayaa ka socda dhulka miyiga ee u dhaxeeyo labada tuulo lamana ogaan karo qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka haseyeeshee ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo ku wajahan qabsashada Buullo-Xaaji ayuu dagaalka ku qabsaday dhulka miyiga.  Saraakiil ka mida kuwa Jubbaland ayaa sheegaya in diyaaradaha Kenya ay ka caawinayaan dagaalka.   

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Shabaab laga qabsaday mudo ku dhow 24 saacadood dhowr deegan oo ay haysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM