​Dagaalka nawaaxiga Baladweyne oo istaagay

Image

BALADWEYNE- Waxgaradka degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan oo kaashanaya saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee gobolkaasi ku sugan, ayaa ku guulaystay inay joojiyaan dagaal saaka ka dhex qarxay labo mallayshiyo beeleed isku qabtay arrimo la xiriira ceel biyood.

Dagaalka oo ka dhacay deegaan qiyaastii u jira 15KM magaalada Baladweyne ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac aan la cadayn tiradooda.

Qaar kamid ah waxgaradka ku howlan dejinta xiisaddaasi, ayaa sheegaya inay ku guulaysteen joojinta dagaalkaasi islamarkaana ku guda jiraan sidii loo hishiisiin lahaa labada beelood.

"Dagaalkii saaka wuu joogsaday waana ILAAH mahaddii, waxaana arrintaasi uga mahadcelinaynaa waxgaradka magalada Baladweyne oo dadaal u galay sidii loo baajin lahaa dhiig macno darro ku daata,"Sidaa waxaa yiri mid kamid ah waxgaradka degmada Baladweyne.

Xaaladda goobta lagu dagaallamay ayaa haatan dagan, waxaase ka barakacay dadkii shacabka ahaa iyagoo ka cabsi qaba saamayn kasoo gaarta dagaalkaasi.

Waxgaradka gobolka Hiiran, ayaa dhawr jeer oo hore ku guulaystay xallinta khilaaf ka dhex dhacay beelaha gobolka qaybtood kuwaasi oo isku maandhaafay arrimo la xiriira deegaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM