​Dagaalka nawaaxiga Baladweyne oo istaagay

Image

BALADWEYNE- Waxgaradka degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan oo kaashanaya saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee gobolkaasi ku sugan, ayaa ku guulaystay inay joojiyaan dagaal saaka ka dhex qarxay labo mallayshiyo beeleed isku qabtay arrimo la xiriira ceel biyood.

Dagaalka oo ka dhacay deegaan qiyaastii u jira 15KM magaalada Baladweyne ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac aan la cadayn tiradooda.

Qaar kamid ah waxgaradka ku howlan dejinta xiisaddaasi, ayaa sheegaya inay ku guulaysteen joojinta dagaalkaasi islamarkaana ku guda jiraan sidii loo hishiisiin lahaa labada beelood.

"Dagaalkii saaka wuu joogsaday waana ILAAH mahaddii, waxaana arrintaasi uga mahadcelinaynaa waxgaradka magalada Baladweyne oo dadaal u galay sidii loo baajin lahaa dhiig macno darro ku daata,"Sidaa waxaa yiri mid kamid ah waxgaradka degmada Baladweyne.

Xaaladda goobta lagu dagaallamay ayaa haatan dagan, waxaase ka barakacay dadkii shacabka ahaa iyagoo ka cabsi qaba saamayn kasoo gaarta dagaalkaasi.

Waxgaradka gobolka Hiiran, ayaa dhawr jeer oo hore ku guulaystay xallinta khilaaf ka dhex dhacay beelaha gobolka qaybtood kuwaasi oo isku maandhaafay arrimo la xiriira deegaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM