Dalal aqbalay in ay qaabilaan Soomaalida ka carartay Ukraine

Image
Soomaaliya ayaa ku boorisay wadamada deriska la ah Ukraine inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dalalka Hungary, Moldova, Poland iyo Romania ay kala hadashay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si badbaado leh uga soo gudbaan dalka Ukraine, waxaana la sameeyay qabanqaabo wax looga qabanayo tirada badan ee dadka ka soo cararaya wadankaan dagaaladu ka socdaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in muwaadiniinta qaar ay si nabad ah ku gaareen dalka Poland, halka kuwa kalena ay ku sii jeedeen, iyada oo qaar kalena aysan weli ka tallaabin l xuduud ay wadaagaan Ukraine iyo Poland.

“Safaaradaha aan ku leenahay Brussels iyo Berlin waxay awood u yeesheen in ay u fidiyaan adeegyada qunsuliyadda dadka aan awoodin in ay ka gudbaan xuduudaha, waxaana ka codsaneynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan dukumentiyada aqoonsiga in ay la xiriiraan safaaradahayada Brussels iyo Berlin,” ayay wasaaraddu ku tiri. War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in safaaradaha ay xiriir joogto ah la lahaayeen ilaa 280 muwaadiniin Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ka codsatay dalalka Yurub ee deriska la ah Ukraine inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada ayna u fidiyaan marin aan xadidneyn dhammaan Afrikaanka isku dayaya in ay ka gudbaan xadka Ukraine.

Waxaa jiray warbixino badan oo ku saabsan cunsuriyad iyo cadaalad darro lagula kacay dadka Afrikaanka ah ee isku dayaya in ay ka baxaan Ukraine.

Booliska Ukraine iyo ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay in ay diideen dadka Afrikaanka ah in ay u gudbaan xadka Ukraine iyo Poland, waxaana sidoo kale la sheegay in maamulka Poland ay u diideen dadka Afrikaanka ah in ay Poland ka soo galaan Ukraine.

Kumanaan arday Afrikaan ah ayaa wax ka barta dalka Ukraine, kuwaasoo u badan Kenya, Nigeria, Ghana, Ethiopia, Somalia, South Africa iyo wadamo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM