Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsiga ay Israa’iil u sameysay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo dhacday maalin ka hor, kuna noqotay aqoonsigii ugu horreeyay ee ay hesho Somaliland muddo ka badan 30 sano.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, xilli dalka uu galay colaado sokeeye. Inkastoo ay leedahay dowlad u gaar ah, hay’ado amni iyo lacag u gaar ah, haddana ilaa Jimcihii ma jirin dal caalamka ka mid ah oo si rasmi ah u aqoonsaday.
Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay khatar ku tahay nabadda iyo xasilloonida qaaradda Afrika.
Waxa uu xusay in Guddiga Midowga Afrika uu “si adag u diidan yahay hindise ama tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland inay tahay dal madax-bannaan,” isagoo carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay weli tahay “qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii si kulul u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo mar kale xaqiijisay in gobollada waqooyi ay yihiin qayb aan ka go’i karin dhulka iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.
Horaantii sanadkan, saraakiil Mareykan iyo Israa’iili ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in Israa’iil ay la hadashay Somaliland arrin ku saabsan qaabilaadda Falastiiniyiinta laga soo raro Qaza, taas oo qeyb ka ahayd qorshe uu markaas soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Mareykanka ayaa tan iyo markaas ka laabtay qorshahaas.
GAROWE ONLINE