Dalka Jarmalka oo joojinaya tababarka uu siiyo ciidamada Soomaaliya

Image

BERLIN- Ciidamada Jarmalka ayaa joojinaya iney qayb ka ahaadaan tababarada dalalka midowga Yurub siiyaan ciidamada Soomaalida dhamaadka bisha March ee sanadkaan, sidaas waxaa sheegtey wasarada arimaha dibada ee dalkaas, iyadoo muujisay welwelka ay ka qabto in hurumar laga gaarayo fidinta gargaarkaas.

Wadanka Jarmalka ayaa waxaa ka jooga 5 askari oo qayb ka ah 15 kamid ah ciidamo dalka Soomaaliya kaga sugan wadamada midowga Yurub kuwasoo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho. 

" Hurumarinta in la helo ciidamada qaranka Soomaaliya waxaa weeye mid aad u gaabinaysa, taasoo sababtu tahay cilado ka jira arimaha siyaasada iyo qaab dhismeedka hay'adaha dowliga ah, iyo qalab la'aanta haysa askarta la tababaro," sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee wadankaas.

Dowlada Jarmalka ayaa iminka diirada saareysa iney caawinta ciidmada madaniga ah iyadoo isku koobeysa doorka talo soo jeedinta, fikirkaas oo lagaga hadley waqtigaan Brusssels.

Dowlada Mareykanka ayaa sanadkii hore joojisey raashinka iyo shidaalka ay siin jirtey ciidamada Soomaaliya sababo la xiriira musuqmaasuq.

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM