Dalka Jarmalka oo joojinaya tababarka uu siiyo ciidamada Soomaaliya

Image

BERLIN- Ciidamada Jarmalka ayaa joojinaya iney qayb ka ahaadaan tababarada dalalka midowga Yurub siiyaan ciidamada Soomaalida dhamaadka bisha March ee sanadkaan, sidaas waxaa sheegtey wasarada arimaha dibada ee dalkaas, iyadoo muujisay welwelka ay ka qabto in hurumar laga gaarayo fidinta gargaarkaas.

Wadanka Jarmalka ayaa waxaa ka jooga 5 askari oo qayb ka ah 15 kamid ah ciidamo dalka Soomaaliya kaga sugan wadamada midowga Yurub kuwasoo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho. 

" Hurumarinta in la helo ciidamada qaranka Soomaaliya waxaa weeye mid aad u gaabinaysa, taasoo sababtu tahay cilado ka jira arimaha siyaasada iyo qaab dhismeedka hay'adaha dowliga ah, iyo qalab la'aanta haysa askarta la tababaro," sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee wadankaas.

Dowlada Jarmalka ayaa iminka diirada saareysa iney caawinta ciidmada madaniga ah iyadoo isku koobeysa doorka talo soo jeedinta, fikirkaas oo lagaga hadley waqtigaan Brusssels.

Dowlada Mareykanka ayaa sanadkii hore joojisey raashinka iyo shidaalka ay siin jirtey ciidamada Soomaaliya sababo la xiriira musuqmaasuq.

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM