Dilkii ganacsade Quurow oo dad badan loo soo qabtey

Image

February 18, 2015 (GO)- Ugu yaraan konton qof ayaa loo soo qobtey dilka Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quurow) oo shalay lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Badi dadka la xirxirey oo dhallinyaro u badan waxaa laga qabtey xaafadda Hawlwadaag.

Duqa degmada Beledweyn Maxamed Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka la qabqabtey baaritaan baaritaan lagu wado wixii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loogu soo celin doono.

Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quurow) ayaa kamid ahaa ganacsatada sida weyn looga tixgeliyo Beledweyn, wuxuu sidoo kale kamid ahaa waxgaradka gobolka ee nabadda iyo xasiloonida aadka uga shaqeeya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM