Danjire Bari-Bari oo ku geeriyoodey weerarkii Hotel Maka Al Mukarama

Image

March 27, 2015 (GO)- Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari oo ahaa danjirihii Dowladda Soomaaliya u fadhiyey magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland ayaa kamid ah dadka ku dhintey weerarkii Al-shabaab kusoo qaaddey Hotel Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dhaawac culus oo soo gaarey ayuu u geeriyoodey danjiruhu, kadib markii dhowr xabo looga dhuftey saableyda.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida danjiraha.

Yuusuf Bari Bari ayaa muddo dheer soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, xilkaasoo March 1, 2008 uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM