Danjire Keating oo faah faahin ka bixiyay muhiimadda Shirka London

Image

MUQDISHU, Somalia- Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in Ujeedada shirka London tahay sidii dowladda cusub ee Soomaaliya loo siin lahaa fursad ay ku soo bandhigto waxyaabaha mudnaanta u leh iyo in laga wad-hadlo iskaashiga dhaxmaraya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Keating oo wareysi siiyey barnaamijka Tubta Nabadda, ayaa sheegay in inkastoo ka jawaabista abaarta ay tahay ahmiyad weyn xilligan, hadana shirka looga hadli doono maalin-galin lagu sameeyo dhaqaalaha Soomaaliya si aysan mar dambe u dhicin abaar weyn. Waxa uu sidoo kale sheegay shirka looga hadlayo qaab dhismeedka mustaqbal ee ciidamada amniga dalka yeelanayo.

Michael Keating waxuu intaas ku daray, in shirka sidoo kale looga hadlayo heshiisyada dhaxmaray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, sida awood qaybsiga, canshuuraha, qaybsiga daqliga iyo kheyraadka dalka uu leeyahay iyo sidoo kale sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Ergayga Qaramada Midoobay, waxa uu xusay in heshiiska iyo qaab dhismeedka hay’adaha amniga ay muhiimad gaar ah leeyihiin, si loo helo ciidamo boolis, meleteri iyo sirdoon dalka oo dhan ah, qof walbana uu aamin karo. Waxa uu xusay in qaab dhismeedka amniga uu hoosta ka xariiqayo xiriirka dhinacs amniga ee ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Ergayga gaarka ah, ayaa wareysiga uu siiyey barnamaijka Tubta NABADDA, waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka ah uu yahay hoggaamiyaha qaranka Soomaaliya balse uu ku faraxsan yahay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada lagu martiqaaday shirka London, taasina ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Michael Keatinga, ayaa hoosta ka xariiqay in shirka magaalada London sidoo kale looga hadli doono qaabka loo wajahayo baahida ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, si si dhab ah loogu qeexo waxa uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Keating, ayaa wareysigaan ku soo beegay maalin ka hor furitaanka shirka London, oo sida uu sheegay ay wada guddoomin doonaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Farmaajo, Madaxa Midowga Africa iyo Ra’isal wasaaraha Ingiriiska oo ay dowladeeda shirka marti galineyso.

Shirka London, ayuu sheegay Keating in ay ka soo qayb galayaan ra’isal wasaaraha Turkiga, Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM