Daraasad: Iiraan oo hubka u kala gudbisa Yemen iyo Soomaaliya

Image
Waa markii ugu horeysay oo warbixin noocaan oo kale ah dadweynaha loosoo bandhigo.

WASHINGTON, USA – Hub ay Iiraan ku taageertay Xuutiyiinta Yemen ayaa si qarsoodi ah Soomaaliya loosoo geliyey iyada oo lasoo marsiiyey biyaha Gacanka Cadan, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay machad fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

The Global Initiative against Transnational Organized Crime ayaa xustey in diiwaan-gelisay hubkaas ka kooban 400 xabo la geeyay 13 meelmood oo kamid ah Soomaaliya sideedii bilood ee lasoo dhaafay.

Waa markii ugu horeysay oo warbixin noocaan oo kale ah dadweynaha loosoo bandhigo. Gacanka Cadan wuxuu caan ku yahay safarka ka ganacsiga hubka sharci daradda ah gaar ahaan qoryaha.

"Iran waxay si is-daba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, cadaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda dawladda Iran," ayay warbixintu tiri.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran iyo afhayeen u hadlay xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaan ka jawaabin codsi ku saabsan daraasaddan. Iran ayaa si joogta ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen, halkaasoo dagaalka sokeeye ee lixdii sano ee la soo dhaafay ay ku dhinteen tobanaan kun.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya iyo wasiirka amniga gudaha ayaan wax jawaab ah ka bixin taleefoonno iyo farriimo wax looga weydiinayay qadiyaddan.

Daraasadu ayaa intaas waxay ku daraysaa in baarayaashu aanay awood u lahayn in ay si buuxda u diiwaangeliyaan iibsada iyo iibinta hubka. Tafaasiishu waxay intaas ku daraysaa in dhamaan astaamaha goobaha lasoo marsiiyey hubka ay la xiriiraan Iiraan.

Ugu dambeyntii, warbixinta ayaa lagu caddeeyay in ciidamadda Mareykanka ay qabteen qayb kamid ah hubkaas iyo in qayb ballaaran oo kamid ah sahaydaas ay u gacan-galeen maleyshiyaadka Al-Shabaab iyo qabiilo doonaya in ay ku saameeyaan doorashooyinka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM