Darawalkii Gaariga ku qarxiyay Suuqa Beerta oo la dilay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia Xukun dil ah ayaa saaka ku fulisay Nin lagu magacaabo Cabdiqaadir Cabdi Xasan, oo 40 jir ah, kana mid ahaa Kooxda Al shabaab.

Ninka la toogtay ayaa Maxkamaddu sheegtay inuu ahaa shakhsigii waday Gaarigii lagu Qarxiyay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari 26-kii Bishii November 2016, kaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo gaaraya 30 qof.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah, oo ay kasoo qeybgaleen Taliyaal katirsan Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Wuxuu sheegay in Maxkamadda ay Xukunka Dilka ah ku riday Cabdiqaadir Cabdi Xasan Febuary 2, 2017, kadib markii ay ku cadaatay inuu katirsan yahay Al shabaab kuna qornaa qaraxii Ismiidaaminta ee Suuqa Beerta.

Ciidamada amniga dowladda Federaalka Somalia, ayaa gacanta kusoo dhigay Ninkan islamaalinta uu qaraxa dhacay, kadib markii uu ka degay Gaariga uu watay, kaasi oo lagu soo xiray walxaha qarxa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM