Darawalkii Gaariga ku qarxiyay Suuqa Beerta oo la dilay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia Xukun dil ah ayaa saaka ku fulisay Nin lagu magacaabo Cabdiqaadir Cabdi Xasan, oo 40 jir ah, kana mid ahaa Kooxda Al shabaab.

Ninka la toogtay ayaa Maxkamaddu sheegtay inuu ahaa shakhsigii waday Gaarigii lagu Qarxiyay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari 26-kii Bishii November 2016, kaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo gaaraya 30 qof.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah, oo ay kasoo qeybgaleen Taliyaal katirsan Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Wuxuu sheegay in Maxkamadda ay Xukunka Dilka ah ku riday Cabdiqaadir Cabdi Xasan Febuary 2, 2017, kadib markii ay ku cadaatay inuu katirsan yahay Al shabaab kuna qornaa qaraxii Ismiidaaminta ee Suuqa Beerta.

Ciidamada amniga dowladda Federaalka Somalia, ayaa gacanta kusoo dhigay Ninkan islamaalinta uu qaraxa dhacay, kadib markii uu ka degay Gaariga uu watay, kaasi oo lagu soo xiray walxaha qarxa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM