Dayax-Madoobaad naadir ah oo laga arkay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dayax madoobaad naadir ah, oo aan horey loo arag islamarkaana lama fillaan ku noqotay khubarrada cilmi-falaga ayaa Caawa ka dhacday Soomaaliya iyo guud ahaan Caalamka.

Saadaashii horey loo bixiyay ayaa noqotay mid run ah, iyadoo dayaxa uu noqday mid guduudan oo leh midabka dhiiga [Blood Moon], waxaana shacabka dunida Muslim-ka ah loo astaagay salaadda Khusuufta.

Waa dayax madoobaadkii ugu mudada dheeraa qarnigan 21-aad, iyadoo uu socday hal saac iyo 43 daqiiqo. Culimada saadaasha ayaa sheegaya in midka xiga uu dhici doono January 21, 2019.

Sida ay sheegtay hay'adda NASA, waxaa dhacaya qarnigan 230 dayax madoobaad, kuwaasi oo 85 kamid ah ay yihiin kuwa si buuxda bisha loo qabanayo.

Dalka Australia, dayaxa ayaa billaabaya inuu midabka dhiiga u ekaado saacaddu markay tahay 4:30am AEST subixii sabtida, iyadoo dayaxa dhamaan wada qarsoomayo inta u dhaxeysa  5:30 and 6:30am.

Dalka Ingiriiska/UK, qeyb kamid ah dayaxa ayaa madoobaanaya marka ay saacadu tahay 8:30pm, iyadoo dhamaan la qabanayo 9:20pm fiidkii.

Bariga Africa, wuxuu billowday dyax madoobaadka 9:30pm habeenimo, waxaana uu guduud noqday 10:30pm, waxaana dalalka ku yaalla gobolkan si fiican looga arkay dayaxa oo markii hore madoobaadey, saacad kadibna midabka dhiiga isku bedelay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM