DEG DEG: Dad shacab ah oo lagu laayey Weerar ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Saddex ruux oo hal qoys kasoo wada jeeda ayaa kuu dhintey, qaar kalena way ku dhaawacmeen rasaas Koox hubaysan ay ku fureen gaari ay la socdeen oo marayay meel ku dhaw Isgoyska Digfeer, ee magaalada Muqdishu.

Dabley hubaysan oo watey gaari kale, ayaa ooda rasaas uga qaadey Gaari ay saarnaayeen 7 qof, oo sida la sheegay ahaa hal qoys, waxaana rasaasta ku geeriyootay saddex kamid ah reerkaasi, kuwaasi oo kala ah labo wiil iyo hal gabar.

Wararka ayaa sheegay in dhaawacyada dadka kale, oo uu ku jiro darawalka Gaari ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer, oo ku dhaw goobta uu falkan argagaxa leh ka dhacay, sida ay Goob-joogiyaal u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Wali lama oga sababta loo bartilmaameedsaday dadkan shacabka ah, iyo cida ka dambaysa weerarka lagu qaadey.

Ciidamada amaanka dowladda Federaalka ayaa geeray goobta ay wax ka dhaceen, oo sameynaya howlgallo lagu baadi-goobayo kuwa falkan ka dambeeyay, oo lagu soo waramayo inay baxsadeen, wax yar kadib markii ay rasaasta huwiyeen Gaariga shacabka saarnaa.

Weerarada noocan ah, ayaa inta badan looga bartey kooxda Al shabaab, oo ku disha Saraakiisha ciidamada dowladda, Xildhibaanada iyo dadka kale ee u shaqeeya Hay'adaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM