​DEG DEG: Dagaal ka billowday magaalada Cadaado

Image

CADAADO, Somalia- Dagaal xooggan ayaa saaka ka billowday magaalada Cadaado, ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa xiisado ka dhashay xil-ka-qaadistii Xildhibaanada ku sameeyeen Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Wararka Warsidaha GO ka helayo dagaalkaas ayaa sheegaya inuu u dhaxeeyp ciidamada NISA iyo kuwa Booliska, kuwaasi oo ku dagaalamayo gacan ku haynta Xarunta uu ku shirayo Baarlamaanka Galmudug.

Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada NISA ay tageen xarunta Baarlamaanka, halkaasi oo ilaalo ka hayeen Booliska Galmudug, oo la sheegay inuu ka biyo diideen amar kasoo baxay Guuleed oo ku aadan inay xiraan xarunta, si aysan ugu shirin Xildhibaanada xilka ka qaaday.

Goob joogayaal, ayaa sheegaya inay maqlayaan rasaas xoogan iyo hugunka hubka culus, oo Ciidamada NISA iyo booliska isku waydaarsanayaan nawaaxiga xarunta Baarlamaanka.

7 Askar oo 4 kamid ah NISA katirsantahay ayaa ku dhaawacmay isku dhaca labada ciidanka, iyadoo aysan jirin cid katirsan laamaha ammaanka iyo mas'uuliyiinta Galmudug oo ka hadashay dagaalka socda.

Madaxweyne Guuleed, ayaa wax kadib xilka qaadista lagu sameeyay ku laabtay magaalada Cadaado isagoo maamulkaas kusoo rogay xaalad deg deg ah.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxa'ed Xaashi Carabeey, oo kula kulmay shalay Cadaado Taliyaha AMISOM Gen. Soubagle, ayaa codsaday ciidamo dheeraad ah oo ka socdo AMISOM si xiisada loo qaboojiyo.

Madaxda Somalida, beesha Caalamka iyo AMISOM ayaa si wadajir ah ugu baaqday Saraakiisha Galmudug inay wadahal ku xaliyaan Khilaafka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM