DEG DEG: In ka badan 10 Wasiir oo iska casilay Maamulka HirShabelle

Image

JOWHAR, Somalia - Wasiiro katirsan HirShabelle, ayaa maanta iska casilay xilalkii ay ka hayaan Xukuumadda Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, oo kusoo wajahan mooshin Kalsooni kala noqosho ah, oo Xildhibaanada ay wadaan.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in 13 xubnood oo isagu jira Wasiiro iyo ku xigeenno ay iska casileen Maamulka HirShabelle, kadib markii ay ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu la shaqeyn waayay gollaha Wasiirada.

Shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Jowhar ayay ku shaaciyeen Wasiirada Iscasilaadoodda. Waa markii ugu horeysay oo tiro Wasiiro ah oo intaasi la eg ay mar kaliya is casilaan Maamulka HirShabelle.

Waxyaabaha kale ee keenay Is-casilaadda Wasiiradda ayaa ah waxqabad la'aan uu la yimid Madaxweynaha maamulka HirShabelle. Cali Cabdullaahi Cosoble, iyo inuu ka gaabiyay la shaqeynta Xukuumadda, xilli ay ku shaqeynayso duruufo adag oo dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah.

Wararka ayaa inatasi ku daraya in Wasiirada Is-casilay ay ku biireen Mooshin kalsooni kala laabasho ah, oo Xildhibaanada Barlamanka HirShabelle ay ku doonayaan inay xilka uga qaadeen Madaxweyne Cosoble, oo xafiiska jooga mud ka yar hal sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM