Maxamed Cabdi Waare oo loo doortey Madaxweynaha HirShabeelle

Image

JOWHAR, Somalia - Murashax Maxamed Cabdi Waare, ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle, kadib Doorasho maanta ka dhacay magaalada Jowhar, ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe. 

Guddiga doorashada HirShabeelle, ayaa ku dhawaaqay in Waare uu guuleystay kadib markii uu helay 74 cod, halka  Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod intii ay socday wareegii labaad ee codbixinta, oo ay codeeyeen 97 Xildhibaan.

Sideed Murashax oo kasoo jeeda hal Beel [Xawaadle], ayaa u tartamay Xilka Madaxweynaha HirShabeelle, kuwaasi oo uu kamid yahay Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Daba-Geed.

Maxamed Cabdi Waare, oo kasoo shaqeeyay Wasaaradda Beeraha dowladdii Dhexe ee dalka, ayaa sanadkii hore la tartamey Madaxweynihii hore Cali Cabdullaahi Cosoble oo xilka laga qaadey August.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM