DEG DEG: Qarax Culus oo ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax xooggan ayaa caawa fiidkii ka dhacay bartmaha magaalada Muqdishu, kaasi oo laha maqlay jugtiisa qeyb kamid ah Caasumadda.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee Hotel Ambassador, oo ku yaalla Wadadka Makka Al-Mukarama, waxaana weerarka loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, balse waxay wararka sheegayaan inay dad badan ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacween. 

Goobta qaraxa waxaa ku yaalla Isbitaal lagu magacaabo Daarul-Shifa, mana la xaqiijin halka uu bartilmaameedku ahaa. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa. Halka uu weerarka ka dhacay waxaa ka dhaw bar-koontarool oo ciidamada ay ku baaraan gaadiidka, xilliga habeenkii.

Ciidamo katirsana dowladda Federaalka Somalia, ayaa goobta xiray, waxaana ay afarta jiho u ridayeen rasaas xooggan, iyadoo gebi ahaanka hakad la geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Fahfaahinta qaraxa, kala soco Wararka dambe ee GaroweOnline.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM