​DEG DEG: Qarax culus oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan ayaa goordhaw ka dhacay bartamaha magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia, kaasi oo sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha GO u sheegay in Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa lagu dhuftay Albaabka Saldhigga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Gaariga Miineysan ayaa isku Qarxiyay Saldhigga oo ku yaalla Wadada Makka Al Mukarama ee aadka u mashquulka badan, waxaana xigay rasas xooggan oo ay ridayeen Ciidamada halkaasi ku sugan.

Waxaa jira Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Qaraxa, balse lama oga Tiro rasmiga ah.

Goobta waxaa gaarey Gaadiidka Gurmadka, oo dhaawacyada u qaadaya Isbitaallada, waxaana la xiray Wadada oo ay soo buux-dhaafiyeen Ciidamada dowladda oo jiho kasta u ridaya rasaasta.

Fahfaahinta, kala soco wararkeena dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM