Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Qarax weyn oo Ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada aada dhanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari nooca raaxadda ah, kaasi oo lagu weeraray Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM xilli ay marayeen deegaanka Weydoow.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa meel fog laga maqlayay, ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan dhanka khasaaraha, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in ugu yaraan hal ruux oo shacab ah uu ku dhintey.

AMISOM iyo dowladda Saraakiishooda wali kama aysan hadlay qaraxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM