DEG DEG: Qarax kale oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdishu, gaar ahaan nawaaxiga xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lagu weeraray Hotel Weheliye, oo ku dhaw Isgoyska Dabka, oo ah mid aad u mashquul badan oo kulmiya dhowr wado.

Wararka hordhac ah oo Warsidaha Garowe Online ka helayo Laamaha amniga ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 ruux, oo isagu jira ilaalada Hoteelka iyo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Waxaa goobta gaarey ciidamada badan oo baaritaanno ka bilaabay nawaaxiga hotelka iyo Gaadiidka Ambulance-ka loo yaqaano kuwaasoo dadka dhaawacyada gaarey u qaadaya Isbitaalada magaalada Muqdishu.

Waa qaraxii labaad oo saaka ka dhaca Muqdishu, oo maalmahan kusoo banadayaan Dilalka iyo Qaraxyada ismiidaaminta ah ee lala eegnayao xaruumaha dowladda iyo Goobaha shacabka ku badan yihiin.

Fah-faahinta kala soco wararkeena dambe Haddii Alle idmo

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM