Wasiirkii Arrimaha Gargaarka Soomaaliya oo is-casishay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Soomaaliya Dr Maryan Qaasim ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Maryan Qaasim, ayaa sheegtay inay warqada Iscasilaadeeda uu gudbisay Xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre, iyadoo aan shaacin sababta ka dambaysa Iscasilaadeeda.

Waa Wasiirkii labaada oo iska-casila xilka Xukuumadda Khayre, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in wasiiradda qaar shaqadooda lagu farageliyo.

Wasiirkii difaaca Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa bishii lasoo dhaafay iska-casilay xilka, kadib markii sida la sheegay lagu farageliyay arrimaha ciidanka iyo dhaqaalaha beesha caalamka uu siiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM