Degmada Ceelbuur oo xalay lagu dagaallamay

Image

[GO, Isniin, Sep 8, 2014] — Dagaal xooggan ayaa xalay ku dhex maray degmada Ceel-Buur ee gobolka Gal-guduud ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo  kooxo ka tirsan Al-shabaab oo iyagu degmadaas soo weearay.

Guddoomiyaha Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay inay si xooggan isaga caabiyeen kooxihii soo weeraray. Shan askari ayuu xusay inay ka dileen  tiro intaas ka badanna ay ka dhaawaceen.

Guutaale ma sheegin wax khasaare ah oo dhankooda dagaalkaas kasoo gaaray, wuxuuse ku celceliyey in ay khasaare culus gaarsiiyeen dhanka kale. Al-shabaab weli wax war ah kama soo saarin dagaalkaas iyo khasaaraha uu geystey.

Xaaladda guud ee degmada Ceelbuur ayaa maanta deggen, dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ayaa si habsami leh ku soconaya, inkastoo weli saansaan coladeed laga dareemayo goobihii uu xalay dagaalku ka dhacay.

Todobaad kahor markii duqeynta lagu diley hoggaamiyihii Al-shabaab, waxay kooxdu ku gooddiday inay qaadi doonto weeraro badan oo aargudasho u ah geerida Axmed Cabdi Godane.

Arrintaas waxaa horay uga hadashay Wasaaradda Amniga oo uga digtey dadka rayidka ah iyo mas'uuliyiinta dowladda inay ka feejignaadaan weerarro aargoosi ah oo ay suurogal tahay in Shabaabku ay qorshaynayaan.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM