​Degmada Tiyeglow oo gacanta dowladda kusoo noqotay

Image

TIYEGLOW, Somalia- Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ay taageerayaan kuwa dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta oo Isniin ah dib ula wareegay degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool.

Sarkaal katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay ciidamada huwanta ah Dagaal la'aan ku qabsadeen xaruntaasi kadib markii Al shabaab isaga baxeen.

Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa Shalay qabsaday deegaanka Ceel-Garas oo ku dhaw degmada Tiyeglow, halkaasi oo mudo 20 Maalmood ah maamulaysay Al shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay mallayshiyadan ka saari doonto dhammaan deegaanada ay dib u qabsadeen, sidoo kalena buuxin doonto goobaha ay ka baxayaan ciidamada dowladda Ethiopia.

Al shabaab ayaa dib u qabsatay dhowr deegaan oo ku yaalla gobolada Galgaduud, Bakool, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Baay ee Koonfurta dalka Somalia, markii ay ka baxeen ciidamada AMISOM oo awal maamulayay

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM