Degmo ay Al-Shabaab la wareegtay oo la duqeeyay

Image

JOWHAR, HirShabelle – Maleyshiyada hubeysan ee Al-Shabaab ayaa xalay saddex saacood gacanta ku hayeen degmada Raaga-ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidda ay soo wariyeen illo wareedyo dhanka degaanka ah.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda ay saldhigyo ka sameysteen duleedka degmadda ayna la hadleen dadweynaha ku dhaqan degaankan muhiimka u ah HirShabelle.

Saraakiisha horkaceysay dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lasoo wariyey in ay tageen qaar kamid ah goobaha shacabka ku kulmaan ee degmadda isla markaana u jeediyeen khudbad daaran ujeedkooda.

Ciidamadda AMISOM ee ku sugan duleedka Raaga-ceelle ayaa la sheegay in ay madaafiic ku garaaceen gudaha degmadda ka gedaal markii ay gaartay xogta ku saabsan in Al-Shabaab ay gashay lana hadleyso dadka.

"Madaafiicda oo dhowr xabo ahaa lama ogga waxyeeladda ka dhalatay maadaama ay habeen ahayd," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo sababo la xiriira amnigiisa uga gaabsaday in la baahiyo magaciisa.

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe oo lala sameeyay xiriiro kala duwan si wax looga waydiiyo dhacdadan ayaanan ka jawaabin wicitaanka.

Dhacdooyinka liddiga ku ah ammaanka ayaa u muuqanaya kuwa kusoo badanaya degaanada HirShabelle Al-Shabaab xilli hogaanka dhowaan loo doortay maamulka uu ku mashquulay siyaasadda iyo doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM