Degmo ay Al-Shabaab la wareegtay oo la duqeeyay

Image

JOWHAR, HirShabelle – Maleyshiyada hubeysan ee Al-Shabaab ayaa xalay saddex saacood gacanta ku hayeen degmada Raaga-ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidda ay soo wariyeen illo wareedyo dhanka degaanka ah.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda ay saldhigyo ka sameysteen duleedka degmadda ayna la hadleen dadweynaha ku dhaqan degaankan muhiimka u ah HirShabelle.

Saraakiisha horkaceysay dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lasoo wariyey in ay tageen qaar kamid ah goobaha shacabka ku kulmaan ee degmadda isla markaana u jeediyeen khudbad daaran ujeedkooda.

Ciidamadda AMISOM ee ku sugan duleedka Raaga-ceelle ayaa la sheegay in ay madaafiic ku garaaceen gudaha degmadda ka gedaal markii ay gaartay xogta ku saabsan in Al-Shabaab ay gashay lana hadleyso dadka.

"Madaafiicda oo dhowr xabo ahaa lama ogga waxyeeladda ka dhalatay maadaama ay habeen ahayd," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo sababo la xiriira amnigiisa uga gaabsaday in la baahiyo magaciisa.

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe oo lala sameeyay xiriiro kala duwan si wax looga waydiiyo dhacdadan ayaanan ka jawaabin wicitaanka.

Dhacdooyinka liddiga ku ah ammaanka ayaa u muuqanaya kuwa kusoo badanaya degaanada HirShabelle Al-Shabaab xilli hogaanka dhowaan loo doortay maamulka uu ku mashquulay siyaasadda iyo doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM