Deni iyo Axmed Madoobe oo la kulmay danjiraha Norway

Image
Is-araggan ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saarey "xaaladda guud ee dalka si gaar ah doorashooyinka".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa caawa Muqdisho waxay siyaabo kala duwan kula kulmeen danjiraha dowladda Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Sida ku cad bayaano kala duwan oo xafiisyadda Saciid Deni iyo Axmed Madoobe faafiyeen, is-araggan ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saarey xaaladda guud ee dalka si gaar ah doorashooyinka.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Heidi Elburgi Johansen, ergayga Dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya," ayay tiri Madaxtooyadda Jubaland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose, Cabdirashiid Cabdullahi Gooni ayaa lagaga hadlay arrimaha  doorashooyinka iyo tageerada Dowlada Norway ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska dalka".

Dhanka kale, madaxtooyadda Puntland ayaa tiri "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya, gaar ahaan qeybta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Heidi Elburgi Johansen".

Kulamadan ayaa kusoo aadaya xilli xafiiska Qaramada Midoobay uu maanta si furan u soo dhaweeyay heshiiska dhowaan madaxda Soomaalida ka gaareen khilaafka doorashooyinka.

James Swan, wakiilka UN-ka ayaa ugu baaqey Madaxda siyaasadda Soomaaliya inay si dhaqso ah ku hirgeliyaan go'aanada Shirkii Muqdisho, ee shalay lasoo gabagabeeyay, islamarkaana lagu qabto doorashadda 40-ka maalin ee lagu heshiiyay.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa ka digay dib u dhac kale, oo sababi kara in Soomaaliya ka weecato dhabihii dib u dhiska soo socday tobanaanka sano, oo Beesha Caalamka dhaqaalo badan uga baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM