DF oo Baraawe ku xirtay saraakiil ciidan iyo ganacsato

Image

November 29, 2014 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtey ganacsato iyo saraakiil ciidan oo lagu soo eedeeyey inay si sharci darro ah dhuxul uga dhoofiyeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka Axmed Cali Dahir ayaa xaqiijiyey in dadka la xiray kamid yihiin Gudoomiyihii degmada Baraawe, taliyeyaashii booliska iyo nabad-sugidda Baraawe, ganacsatada dhuxusha dhoofiya iyo mulkiileyaasha dhowr doomood oo dhuxushaas lagu raray.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu intaas ku daray in dadkan eedeysaneyaasha ah baaritaan lagu wado haddii dembigaas lagu helana sida ugu dhaqsaha badan maxkamad loo soo taagi doono sharicgana la marsiin doono.

Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2012 xayiraad kusoo rogtey dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya maadaama la sheegay in kooxda Al-shabaab dhuxusha dhaqaale xooggani kasoo galo.

October 24, 2014 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu meel mariyey qaraar ogolaanaya in la baari karo maraakiibta iyo doomaha ka taga Soomaaliya, si loo hubiyo inay shixnado dhuxul ah sidaan iyo in kale. 

Dhanka kale kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea, ayaa warbixin cusub oo dhowaanta soo saareen ku sheegay in sanad kasta $250 milyan oo lacag ahi kasoo xerooto dhuxusha, lacagtaasoo saddex meelood hal meel gacanta u gasha Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM